Waxaa Maanta oo Isniin ah gebi ahaan xiran goobihii Ganacsi ee ku yaalla Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, sida xaqiijiyeen qaar kamid ah Ganacsatada , iyagoona ka hadlay sababta loo xiray.
Sababta ay u xiran yihiin goobaha Ganacsiga Cadaado ayaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Galmudug ay Ganacsatada kusoo rogtay Canshuur dheeraad ah.
Qaar kamid ah Ganacsatada ayaa sheegay in aysan awood u laheyn lacagta lasoo rogay inay bixiyaan, waxaana xirnaashaha Suuqa Magaalada Cadaado uu dhibaato ku noqday dadka shacabka ah ee halkaas kunool.
Sawirro laga soo qaaday goobaha ganacsiga xiran ee Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa muujinaya in gabi ahaan xiran yihiin Bakhaarada, dukaamanka yaryar, goobaha Elektarooniga, dharka iyo Kabaha.