Waxaa Maant dib loo furay Suuqa degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose kaas oo shalay u xirmay banaanbaxyo ay dhigayene dad ka caresnaa weerarkii 10,Ruux ay ku geeriyoodeen ee ka dhacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Saakay, shacabka Degmada Afgooye ayaa si caadi ah u dukaameysanaya, xaaladuna waa mid deggan, sida ay sheegayaan qaar ka tirsan Ganacstada ku nool Degmada Afgooye.
Intii ay xirnaayeen xarumaha ganacsiga ee degmada Afgooye waxay saameysay dhammaan shacabka ku dhaqan degmadaasi ee sia maalin laha ah u dukaameysan jiray.
Wariyaha Radio Dalsan ee Gobolka Shabeellaha hoose Maxamed Cusmaan Ma’da ayaa xiligaan ku mashquulsan sidii uu u gaan lahaa saameynta uu Bulsahda ku yeeshay xeritaanka mudo ka badan hal maalin suuqa degmada Afgooye ee Shabeellaha hoose.