Muhiiimad weyn ayaa la siiyaa waxabrashada dadka naafadaha ah addoonka oo dhan balse Soomaaliya oo kamid ah wadamada sookoraya meelaha qaar malahan goobo waxbarasho uu u gaar ah dadka naafadaha ama xitaa agab waxbarasho oo u sahli kara in ay waxbartaan.
Magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar ah u ah Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya ayaa dhawaan laga hirgaliyey iskuul ay wax ku bartaan in ka badan afar boqol oo arday oo naafo ah kuwaas oo aan horay u haysan xarun waxbarasho.
Dadka deegaanka oo ay hogaaminayaan haweenka ayaa u istaagay suurtagalinta xarunta taas oo bilowgii hore riyo ku ahayd dadka deegaanka maadaama aanay jirin dhinacyo kale u taagay waxbarashada iyo horumar ka dadka naafadaha ah gaar ahaan kuwa ku nool Magaalada Baydhabo.
Kaltuumo Maxamed  Nuur Oo kamid ah dadka u istaagay hirgalinta iskuulkan kaas oo ah goob ay wax ku bartaan dadka naafadaha ah ayaa sheegtay in halgandheer u galeen sidii ay u suuragalin lahaayeen qorshaan waxaana ay tiri “ dhismaha iskuulkan hadda waa kiro, sidoo kale basaska soo qaada ardayda jeebkeenna ayaan ka bixinnaa, ALLE ayaa ku mahadsan oo sidii hore ma nihi hadda, macalimiinta xoogaa mushaar ah ayey qaataan kaas oo uu naga caawiyo maamulka Koofur Galbeed gaar ahaan wasaaradda waxbarashada weyna na aqoonsan yihiin, sidoo kale dad badan ayaa jira hadda oo garabkeenna taaganâ€.
Waxay hadalkeeda ku dartay “Magaaladan waxaa ka jirta baahi weyn oo ay qabaan dadka ku nool oo dhan laakiin kuwa naafada ah waa kuwa ugu nugul ee ku nool magaaladan sababtoo ah dowladdeennu malahan awood ay ku maareeyso nolosha bulshada gaar ahaan kuwa nugul sidoo kale ma jiraan dad badan oo u dhaqdhaaqa sidii ay xuquuq rasmi ah u heli lahaayeen dadka naafadaha ah ee ku nool magaaladanâ€.
“Si loo heli ugu yaraan meel ay wax ku bartaan dadka naafada ah ee ku nool Magaalada Baydhabo waxaan u istaagnay annaga oo ah haweenka magaalada inaan u qareenno dadkeenna, xoogaa waan ku guuleysannay sababtoo ah waxaan helnay meel ay waxbartaan dadka naafadaha ah, macalimiin, iyo in dowladdu gaar ahaan wasaaradda waxabrashada ee Koofur Galbeed ay naga caawiso waxyaabaha qaar. Waxyaabaha kale ee guusha ah waxaa kamid ahâ€. Ayey sidoo kale sheegtay Kalmutmo.
Bishaar Xassan Cabdi waxa uu kamid yahay arday gaareysa ilaa 453 arday oo dhammaantoodba qaba baahiya gaarka ah oo siyaabo kala duwan schoolkan wax uga barta. ‘‘Dadka anaga oo kale ah oo ay duruufo heysta ma jecla dadka kale ee caadiga ah, waayo iyaga lixaadkoodu waa uu dhammeysan-yahy lakin anaga sidaas maahin waxna lama baran karno,mana helno daryel iyo ixtiraam gaar ahâ€. Ayuu yiri Bishaar.
 Biishaar hadda da’diisu waa 15 sano jir waxa uuna aad ugu faraxsan yahay in uu helay meel wax ku barto taas oo u gaar ah dadka naafadaha ah islamarkaana laga helayo agab u fududeynaya waxbarashada, Inkastoo uu naafo yahay hadana waxa uu aad ugu kalsoon yahay in uu guul ka gaari karo nolosha haddii ay uu si joogta ah u helo caawintan.
Iskuulkan dhammaan ardaydu waa naafo sidoo kale maamulaha iyo qaar kamid ah macaliimnta ayaa naafo ah taas oo ka dhigeysa xaalad gaar ah waxabrashada iskuulkan, Tani waxay dhiigalineysa ardayda maxaa yeelay waxay dareemayaan dadka naafo ah oo waxbartay islamarkaana macalimiin ah ay jiraan taas oo u horseedeysa in ay dedaal si ay iyaguna mustabalka macalimiin ugu noqdaan kuwa ka dambeeyaâ€. Ayuu yiri maamulha iskuulkan oo lagu magacaabo Ciise Cabdi Salaad.
Waxa uu intaa ku daray  ‘’aas aaseyaasha waxay qabaan baahiyo gaar ah markey arkeen baahida weyn ee loo qabo goob waxbarasho oo u gaar ah dadka naafadaha ah ayaan ka dhabeeyeen inaan sameyno iskuulkanâ€
 Xaruuntan waxay xaruumaha kale kaga duwantahay waa iskuul ay ku mideysanyihiin macalimiin ardey iyo maamul oo ah dhamaatooda dadka qaba baahiyaha gaarka ah .
 Shukri Maxamed Abdi Billan media Baydhabo