Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo dhammeystirtay tarjumaadda Xeerka Gaadiidka iyo Badda Somalia, kaasi oo ay meel-Mariso Sharciyada kala ah SOLAS & MARPOL kuwasoo muhiim u ah Ganacsiga iyo Badqabka Badmaridda iyo ka hortaga wasakheynta Badda.
Sharcigaan oo ku qornaa luqadda English -ka ayaa loo turjumay luqadda Soomaaliga, iyadoona la rajeynayo in dhowaan Golaha Wasiirada ay meel mariyaan si uu u noqdo sharci dalka ka dhaqan gala.
Shirka waxaaa daah furay Wasiirka Wasaarada Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xildhibaan Maryan Aweys Jaamac, waxaana ka Soo qaybgalay xubno ka socday Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha caalamiga ah UNSOM,EUCAP iyo IMO.