Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay kulan deg deg ah oo aan caadi aheyn ku yeelan doonaan Gudaha Magaalada muqdisho.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha Golaha Wasiirada Somaliya kulankaan lagu wargeliyay, kadibna lagu wado inuu dhaco saacadaha soo socda.
Kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa xaalada dalka sida Dhaqaala maadaama uu jiro khilaaf u dhaxeeya Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatada Gobolka Banaadir,sidoo kale waxaa laga hadli doona arrimaha Amniga iyo qodobo kale.
Warar aan ka helnay illo ku dhaw dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa ay sheegayaan in ay suurtagal tahay in Maanta la Magacaabo taliyayaasha Booliska iyo Nabad-Sugida oo mudo Saddex bilood ah dalka uusan laheyn.
Wixii kulanka deg dega ee Golaha Wasiirada ka soo baxa kala socda Radiodalsan.com