War Goordhow soo gaaray Warqabadka Radio Dalsan Muqdisho ayaa waxa uu sheegayaa in Golaha Wasiirada Soomaaliya ay Maanta kulan Deg Deg ah isugu imaan doonaan.
Wariyaasha ka howlgalla Gudaha Magaalada Muqdisho ayaa lagu wargeliyay in uu jiro kulankaas oo furmi doona Saacadu marka ay tahay Todobada Duhurnimo.
Weli lama oga waxyaabaha ay ka hadli doonaan balse waxaa taagan hadalheynta ku aadan weerarkii qaraxa ku bilaawday ee xalay lagu qaday Hotelka Naasa Hablood kaas oo soo gaaray ilaa Saakay Waaberigii.
Diyaar garoowgii u dambeeyay ayay hadda ku jiraan Golaha Wasiirada Sooomaaliya iyada oo Shacabka Soomaaliyeed ay ka war sugayaan waxyaabihii ka soo baxa kulankaas.