Maxamed Xaashi Cabdi Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ayaa shir deg deg ah isugu yeeray Golaha Wasiirada ee Galmudug si ay uga hadlaan dagaalka ka socda Deegaanka Xeraale ee Gobolka Galduguud.
Shirkan waxaa sidoo kale Goobjoog ka ah Saraakiisha Ammaanka ee Galmudug kuwaas oo wax laga weydiinayo waxa ay ka ogyihiin waxyaabaha uu salka ku hayo Dagaalka Xeraale.
Wali waxaa socda dagaalka Xeraale o u dhaxeeya Ahlusunna iyo dadka degaanka mana jirto labada dhinac cid wali warbaahinta la hadashay balse waxaa jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah.