Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Somaliland ayaa Maanta oo Sabti ah waxaa lagu wadaa in kulan aan caadi aheyn ay ku yeeshaan Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaas.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada Somaliland ayaa waxaa uu yahay ansixinta Xubnihii Xisbiyada Mucaaradka ah u soo Magacaabeen inay uga mid noqdaan Komiishanka cusub ee doorashooyinka.
Todobaadkii lasoo dhaafay ayaa Xildhibaanada Somaliland lagu wargeliyay inuu jiro kulan aan caadi aheyn xili dhawaan la fasaxay muddo afar todobaad ah sababo la xiriira faafida Cudurka halista ah ee Coronavirus.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in kulanka Maanta ay yeelanayan Golaha Wakiilada uu dalbaday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, si ay waajibaadkooda Dastuuriga ah uga gutaan labada Xubnood ee Xisbiyada WADDANI iyo UCID u soo Magacaabeen doorashooyinka Somaliland.