Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Maamulka Somaliland ayaa oo Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Hargeysa ayaa ansixiyey Miisaaniyadda sanadka Cusub ee 2021-ka iyo lifaaqa soo-jeedimaha guddida dhaqalaha Golaha wakiiladda.
Fadhigii Golaha Wakiilada oo ay goobjoog ka ahaa 42 Xildhibaan ayaa waxa ogolaaday ansixinta Miisaaniyadda 27 Xildhibaan, waxaana diiday 5 Xildhibaan, halka ay 9 Mudane ay  ka aamuseen, Guddoomiyuhuna muusam codaynin.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo kulanka shir guddoominaayay ayaa ku dhawaaqay natiijada Codeynta ee Xildhibaanada, wuxuuna shaaciyay in la ansixiyay Miisaaniyad-sanadeedka 2021-ka.
Odoroska Miisaaniyada sanadeedka 2021-ka ayaa 4.8% ka badan miisaaniyada sanadkaan sii dhamaanaya ee 2020-ka, taas oo ah miisaaniyad-dhamaystiran, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Somaliland.