Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, iyadoo kulanka uu ku furmay 141 Mudane.
Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana Ajendaha uu ahaa Akhrinta 3-aad ku Noqoshada Miisaaniyadda dowladda ee 2019-ka.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa intii uu socday kulanka waxaa ay Anxiyeen ku Noqoshada Miisaaniyadda 2019-ka, iyagoo u qaaday Cod gacan taag ah.
118 Xildhibaan ayaa Ogalaatay in la Ansixiyo ku Noqashada Miisaaniyada 2019-ka, 15 Mudane ayaa diiday, 8 Xildhibaan ayaa ka Aamustay, waxaana Guddoomiye Mursal uu ku dhawaaqay in sidaas lagu ansixiyay ku Noqashada Miisaaniyadda.