Hadal ka soo baxay Golaha TMC ee haya talada dalakaasi waxa uu maanta u digay dibadbaxayaasha xayira Waddooyinka iyo dhaqdhaqaaqa Muwaadiniinta, xilli ay Dibadbaxayaashu sii wadaan Dibadbaxyadii ku khasabtay Madaxweynihii hore, Cumar Xasan Albashiir inuu xilak ka dego.
Goluhu waxay kaloo sheegeen inaan la oggolaan doonin inay dadka da’da yar ku tababar qaataan doorka Ciiddanka Ammaanka iyo kuwa Adeegga Ammaanka, isla markaana ay tahay mid xadgudub ku ah Sharciga.
Golaha TM iyo Mucaaradka waxay tan iyo shalay is-dhaafsanayeen hanjabaadyo, iyadoo Ururka Xirfadlayaasha Suudaan ee SPAÂ ee abaabulay Dibadbaxyadda waxay sheegeen inay joojin doonaan Wada-xaajoodkii ay la lahaayeen Golaha Milliteriga ee haya Talada dalkaasi.