Golaha Nabadda Iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (The Peace and Security Council of the African Union (AU) waxay ku hanjabeen in dalka Suudaan laga joojin doono ka-qeybgalka Shirarka AU-da, haddii aysan Golaha Milliteriga awoodda ku wareejinin Dowlad Rayid ah.
War-murtiyeed shalay ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee AU-da ayaa waxa uu kaga codsaday Golaha Milliteriga Suudaan inay muddo 15 maalmood xilka kaga degaan, isla markaana ay xilka ku wareejiyaan Dowlad Ku-meel-gaar oo Rayid ah.
Waxaa uu qoraalku qeexay, haddii ay Golaha Milliteriga ku fashilmaan inay muddadaasi xilka ku wareejiyaan inay taasi horseedi doono in Suudaan laga joojiyo Ka-qeybgalka dhamaan dhaqhaqaaqyadda ee Ururka Midowga Afrika (AU, sida uu dhigayo Qoddobka 7-aad ee Sharciga u degsan Dowladaha xubnaha ka ah Ururkaasi.
Si kastaba ha ahaatee, War-murtiyadeed Golaha Nabadda iyo Ammanaka ee AU-da ayaa u muuqda Cadaadis-saar Siyaasadeed, si ay Saraakiisha la wareegay Talada Suudaan bishan 11-dii ugu khasbanaadaan inay Dowlad Rayid oo Ku-meel-gaar ah dhisaan, kuna wareejiyaan Tlaada Guud ee dalkaasi.
Tan iyo bishii December ee sannadkii hore, dalka Suudaan waxaa ka socday Dibadbaxyo looga soo horjeeday Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Cumar Xasan Al-bashiir, kaasi oo muddo 30-sannadood hayey Talada dalkaasi.