Ergayga Khaaska ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha dalka Suudaan, Maxamed Al-xasan Lebed  waxa uu ku dhawaaqay in Wada-xaajoodkii Golaha Milliteriga ee RMG iyo Isbahaysiga Mucaaradka ee Xorriyadda iyo Isbedelka ay berrito dib u bilaabi doonaan Wada-xaajoodkooda, si ay u dhamaystiraan qoddobadda ka dhiman Heshiiskooda Taariikhiga.
Hadal-qoraal oo Xafiiska Ergayga Midowga Afrika ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Kulankaasi ka furmi doono caasimadda dalkaasi ee Khartoum, si ay dhinacyadda u wada gorfeeyaan dhamaystirka Bayaanka Dastuurka iyo qoddobadda ku xiriirsan.
Labada dhinac waxay kaloo isla meel dhigi doonaan Awoodaha Golaha Madaxa bannaan iyo xilka Ra’isul-wasaaraha ee muddada Ku-meel-gaarka.
Golaha Milliteriga ee TMC iyo Isbahaysiga Mucaaradka waxay bishan July 17-dii wada saxiixdeen Bayaan Siyaasadeed, kaasi oo lagu kala qeexay Habraaca Xilliga Kala-guurka dalkaasi.
Waxay isla garteen in la dhiso Gole Madax bannaan oo ka kooban 11 xubnood oo ay min 5 xubnood u kala qaateen iyo qof rayid ah oo lagu soo xuli doono La-tashiga Golaha Milliteriga iyo Isbahaysiga Mucaaradka.
Sidoo kale, waxaa Heshiiskooda ka mid ahaa in la dhiso Gole Wasiiro oo aan ka badnayn 20 xubnood, iyo in la soo doorto Ra’isul-wasaare iyadoo loo marayo La-tashiga Liiska ay soo bandhigaan Isbahaysiga Mucaaradka.
Golaha Milliteriga ee haatan haya Talada dalka Suudaan waxay muran la’aan u hayn doonaan Xilalka wasiiradda Difaaca iyo Arrimaha Gudaha ee Dowladda la soo dhisi doono.