15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM waxay xalay yeesheen Kulan ay kaga hadleen Weerarkii bishan April 1-dii lagu qaaday Saldhigga ay Ciiddanka AMISOM ku leeyihiin Deegaanka Buulo-mareer ee Gobalka Sh/hoose.
Weerarkaasi waxaa lagu dilay, laguna dhaawacay tiro ka mid ah Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
War Saxaafadeed uu Goluhu soo saaray waxa uu ku baaqay in Sharciga la soo taago waxa uu ugu yeeray dadkii maalgeliyey iyo kuwii soo abaabulay Weerarkaas, waa sida uu hadalka u yiri..
Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee QMรย waxay hoosta ka xariiqeen inay Taageero Buuxda u hayaan Awoodda Ciiddanka AMISOM si loo yareeyo Cabsida Xarakadda Al-Shabaab iyo Kooxaha Mucaaradka Hubeysn ee ku sugan gudaha dalka Somalia.