Dowladaha Britain iyo Sweden ayaa ka codsaday Golaha Ammaanka ee QM inay Kulan Albaabadda u xiran isugu yimaadaan maalinta berrito, si ay uga hadlaan xaalladda ka sii daraysa ee lagu hayo Muslimiinta ku nool Gobalak Rakhine ee W/galbeed ee dalka Myanmar.
Danjiraha Britain u jooga Xarunta QM ayaa u sheegay Weriyayaasha inuu Kulankaasi noqon doono mid Khaas ah, iyadoo 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ka walaacsan yihiin Qaxootiga Muslimiinta ROHINGYA ee doonaya inay ka cararaan Gobalka Rakhine, si ay u gaaraan dalka Bangaladesh