15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM waxay sheegeen inay aad uga xun yihiin Go’aankii lagu soo cayriyey Ergaygii Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsanaa Arrimaha Somalia, Nicholas Hayesom.
Diplomaasiyiinta waxay sheegeen inay xubnaha Golaha Ammaanka yeesheen Kulan albaabadda u xirnaa, oo ay kaga xaajoodeen Jawaabta ay ka bixin doonaan Go’aankii ay DFS ku soo cayrisay Ergaygii Gaarka ee QM ugu qaabilsanaa Somalia.
Wakiilka Joogtadda ee Dowladda Shiinaha u matala Golahaasi ayaa codsaday waqti dheeraad si ay u soo darsaan Qaraar qabyo ah oo ay Dowladda Britain ka soo diyaarisay Go’aanki ilaga qaadan lahaa Tallaabadda ay DFS ku soo cayrisay Nicholas Hayesom.
Wakiilka Dowladda Shiinaha oo shalay bedelaad ku sameeyey Qaraarkaasi qabyada ah waxa uu tilmaamay inuu Golaha Ammaanka xushmeynayo Madax-bannaanida, Xuduudaha Dhuleed , Xor u ahaanshaha Siyaasadeed iyo Midnimadda dalka Somalia.
Dhinaca kale, Hadal-qoraal oo ay Golaha Ammaanka ee QM soo
saareen Kulankooda kadib, waxay mar ku celiyeen in xubnaha Golaha ka go’an Tahay rajadooda ku aadan xoojinta Iskaashiga buuxa ee u dhexeeya Somalia iyo QM.
Sidoo kale, War-saxaafadeedka Golaha Ammaanka ee QM waxaa lagu shegeay in sannadkan 2019-ka uu noqon doono mid muhiim u ah Somalia, waxayna ugu baaqeen Hoggaamiyayaasha Soomaalida inay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan sidii loo dhaqaajin lahaa Isbedelka Siyaasadeed iyo Amni ee hor yaalla.
Si kastaba ha ahaatee, Golaha Ammaanka ee QM ayaa so osaaray War-saxaafadeedkaai, kadib, markii uu Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres oggolaaday Jimcihii la soo dhaafay inuu Ergay Cusub u soo magacaabo Somalia, kadib, markii ay DFS ku gacan-sayrtay inay ka laabtaan Go’aankii ay ku cayriyeen Ergaygii hore, Nicholas Hayesom.