15-ka xubnood ee Golahaasi ayaa Kulan Khaas ah ka yeeshay arrintaasi, waxayna ku baaqeen in la kordhiyo dadaalka lagu xoojinayo Cunaqabataynta saaran dalkaasi.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Golahaasi ayaa waxay ku cambaareeyeen dhamaan Tijaabinta iyo Dhaqdhaqaaqyadda Gantaalladda Balaastikada ee Waqooyiga Kuurya.
Gantaalka cusub ee ay Waqooyiga Kuurya tijaabiyeen Axaddii la soo dhaafay waxa uu wax ka duqeyn karaa in ka badan 2-kun oo KM
QM waxay sannadkii 2006-dii Cunaqabatayn ku soo rogtay Dowladda Waqooyiga  Kuurya, kadib, markii ay tijaabiyeen Gantaalladda casriga iyo Hubka Nukliyeerka.
©Radio Dalsan