Golaha Ammaanka ee QM ayaa u codeeyey Qaraarkaasi, iyadoo ay Ergadda Maraykanka ka maqnaayeen codeeyntaasi.
Qaraarkaasi waxaa la gaaray, kadib, markii ay Dowladaha New Zealand, Malaysia, Venezuela iyo Senigal u soo gudbiyeen Golaha Ammaanka ee QM in la cambaareeyo Deegaamaynta ay Yuhuudda ka wadaan dhullka la-haysto ee Falastiin.
Hal maalin ka hor ayey ahayd markii ay  Dowladda Masar ka laabatay Qaraarka ay u gudbisay Golaha Ammaanka ee QM, kadib, markii ay cadaadis kala kulmeen Maamulayaasha  Yuhuudda iyo Madaxweynaha La-doortay ee Maraykanka, Donald Trump.
Madaxa Wada-xaajoodayaasha Falastiin, Saa’ib Cureyqaat ayaa u sheegy Wakaalladda Wararka REUTERS inay guul tahay Qraarkaasi, iyadoo ay Beesha Caalamka u sheegeen Yuhuudda inaan Ammaan iyo Nabad la heli Karin inta ay socdan falalka Qabsashadda.
43-kun oo qof oo Yuhuud ah ayaa haatan ku nool Galbeedka Daanta Galbeed, halka 200-kun oo kalena ku nool yihiin Bariga Qudus.
©Radio Dalsan