Guddiga Wadajirka ee u xil saaran dhamaystirka Xeerarka Sharciga Doorashooyinka Qaranka waxay maanta soo gebegebeeyeen Hawlihii loo idmaday, waxaana la filayaa inay Guddoonka Labada Aqal ee Barlamaanka u gudbiyaan Warbixinta ku adaan Afartii Xeer ee loo xil-saaray.
Ilo-wareedyo ayaa sheegay inay Guddiga ka shaqeeyeen Xeer dhigaya inay Gobalka Banaadir matalaad 7 Kursi ku yeeshaan Aqalka Hoose ee BFS, iyadoo lagu salaynayo Nidaamka Saami-qeybsiga Beelaha ee 4.5
Meel-marinta Kuraasta Matalaadda Gobalka Banaadir waxa uu ansax noqon kaara marka wax-ka-bedel lagu sameeyo Dastuurka iyo inay Xildhibaanadda Labada Aqal ku ansixiyaan saddex meel oo labo meel (2/3).
Warbixinta Guddiga Wadajirka ee Dhamaystirka Xeerarka Sharciga Doorashooyinka Qaranka waxaa kaloo lagu muujiyey in qeybinta 7-da Kursi ee matalaadda Gobalka Banaadir waxaa go’aan ka gaari doona Hoggaanka Sare ee dalka.
Dhinaca kale, Guddiga Wadajirka waxay soo go’aamin doonaan goobaha la dhigayo Kuraasta Barlamaanka.