Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ka furay aqoon-iswaydaarsi ku aadan habka ay Soomaaliya u yeelan lahayd xog-kaydiye Ganacsi.
Aqoon is-weydaarsigan uu furay Wasiiraka ganacsiga ayaa waxaa uu socon doonaa muddo laba malmood ah,isla markaana waxaa ka qeyb galaya Maareeyaha Dekadda Muqdisho, masuuliyiin ka socotay Rugta Ganacsiga iyo Warshadah Soomaaliya  iyo Mas’uuliyiin kale.
Eng. Cabdullaahi Cali Xasan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaliya ayaa inta uu socday aqoon-iswaydaarsiga jeediyay Khudbad uu uga hadlaayay muhiimada dalka u leeyahay aqoon-iswaydaarsiga uu ka furay Addis Ababa.
Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in aqoon-isweydaarsigaas dalka u leeyahay muhiimad,isla mrkaana kaalin uu ka qaadan karro dhiirigalinta maalgashiga, daahfurnaanta ganacsiga iyo xog-iswaardaarsiga hay’adaha dawladda iyo rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.
Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa u muuqata meel loo wareejiyay shirarkii iyo siminaaradii caalamiga ahaa ee hay’addaha dowladda,iyadoo markii horey lagu qaban jirin dalka Kenya,hayeeshee arrintaas ayaa la joojiyay,kadib markii uu Khilaaf xoogan soo kala dhexgalay Soomaaliya iyo Kenya.