Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee Amisom ayaa qarax lagula eegtay qeybo ka mid ah degamda Hurwaa ee Gobolkaan Banaadir.
Kolonyadan ay wateen Ciidamada Amisom ayaa la sheegay in mid ka mid ah uu qarax qabsaday xili ay marayeen inta u dhaxeysa Isgoyska Ex koontorool Balcad iyo halka loo yaqaano Warsahda Barafuunka.
Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas ee gaaray mid ka mid ah Gawaarida Amisom ee marayay qeybo ka mid ah degmada hurwaa.
Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Dalsan u sheegay in ay maqleen jugta qaraxa balse aysan cadeyn karin khasaaraha uu geestay qaraxa.
Goobta uu qaraxa ka dhacay oo ay inta badan isticmaalaan Gawaarida dadweynaha taas oo keentay in mudo Daqiiqado ah ay hakad galaan walow markii dambe dib loo furay.