Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Puntland, Ilyaas Lugatoor, ayaa si rasmi ah u daahfuray Madasha Bandhigga Buugaagta ee Puntland, oo ka dhacay magaalada Garoowe. Madashan oo sanadkan lagu qabtay Garoowe ayaa marti u ahaa marti sharaf kala duwan oo ka soo jeeda qaybo badan oo carriga Soomaalida, kuwaasi oo isugu jiray siyaasiyiin, qorayaal, sugaanyahanno, maktabadaha buugaagta iibisa, iyo marti sharaf kale oo ku lug leh horumarinta dhaqanka iyo aqoonta.
Madasha Bandhigga Buugaagta ee Puntland ayaa waxaa ka soo qaybgalay qoraayaal iyo shaqsiyaad ka dhex muuqda qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo halkaas ku soo bandhigay buugaagtooda,
Xafladan ayaa sidoo kale fursad u ah qoraayaal cusub iyo kuwa hore inay soo bandhigaan fikradahooda, isla markaana ay la wadaagaan bulshada aqoonta ay ka hayaan arrimaha kala duwan ee muhiimka ah.
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka mid ah shaqsiyaadka sanadkan buugaagtiisa soo bandhigay, waxaana Garoowe Book Fair uu kaga qaybgalayaa buuggiisa cusub ee dhawaan lagu daahfuray magaalada Muqdisho.
Madashan ayaa sidoo kale ah goob lagu gorfeynayo siyaasadda Soomaalida iyo dheefta laga helay 20 sano oo Soomaaliya ay ku jirtay nidaamka Federaalka. Waxaa sidoo kale lagu doodi doonaa saameynta iyo horumarka ay siyaasadda federaalka ku leedahay dowladnimada iyo xasilloonida dalka.
Madashan oo u kala qaybsan hadallo furan, doodo cilmiyeedyo iyo aqoon isweydaarsiyo buugeed ayaa si gaar ah u dhiirrigelinaysa is-dhexgalka aqooneed iyo wadaagista fikirrada cusub ee bulshada, iyadoo la rajeynayo in ka soo bixi doonaan xalal waara oo ka qeyb qaadan doona horumarinta xaaladda guud ee siyaasadda Soomaaliya.