Suuqa Degmada Kaaraan ee Gobolkan Banaadir waxaa Maanta ka dhacay banaabax ay dhigayeen dad u badan Ganacsato oo ku nool degmadaas.
Dadka ayaa Suuqa degmada Kaaraan ilaa agagaarka Saldhigga degamadaas, waxa ay ku gubayeen Taayaro,iyaga oo u diidayay in Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ay isticmaalaan.
Labadii Maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa xoogga hakad galay isu socodka dadka iyo Ganacsiga suuqa,waxana taasi loo sababeynayay in halkaasi ay isku heysteen maleeshiyad hab beel u abaabulan oo wada dagaalamay.
Dadka banaanbaxa dhigayay oo u badnaa ganacsato ayaa dalbanayay in dhibaatooyinka ka jira halkaasi laga qabto halka qaarkood ay ku dhawaawayeen Erayo ay uga soo horjeedaan Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga oo halkaasi dhibaato ka geystay dhowr marna wada dagaalamay.
Shalay ayaa mid ka mid ah Askarta ciidamada dowladda waxaa la sheegay in suuqaasi uu ku dilay qof Ganacsato ah kadib markii ay ku murmeen lacago uu weeydiiyay Askariga.
Intaasi kadib Gudoomiyaha Maamulka degmada Karaan Cabdi fitaax Nuur  Cali ayaa la sheegay in uu u yimid dibadbaxayasha kuna qanciyay in ay joojiyaan banaanbaxa rabshadaha wata,isla markaana laxalin doono tabashadooda,waxana Goobjoogayaal ay sheegeen in xaaladu iminka ay tahay mid degan.