Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Bari Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta Gebi ahaanba ay xiran yihiin Ganacsigii Magaalada Boosaaso.
Ganacsatada ayaa lagu soo waramayaa in ay ka cabanayaan Canshuur kordhin lagu sameeyay,taas oo ay sheegeen in aysan awoodin in lacagtaas ay bixiyaan.
Qaar ka mid ah Ganacsaatda ayaa waxa ay sheegeen in aysan Ganacsigooda furi doonin ilaa iyo inta isbedel uu ka imaanayo,waxana xusid mudan in weli ay xiran yihiin Goobihii Ganacsi ee Magaalada Boosaaso.
Tan ayaa waxaaa walaac ka muujiyay Shacabka ku nool Magaalada Boosaaso qaarkood kuwaas oo sheegaay in Goobaha yar yare ee furan ay maciishada qaali ka dhigeen waxa ayna ugu baaqeen madaxda Puntland iyo masuuliyiinta dowladda Hoose ee Magaalada Boosaaso ay isbedel la yimaadan.