Sida uu qoray Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya waxay Boliska magaalladda Mombasa gacanta ku dhigeen 2 Ganacsato Soomaali ah, kuwaasi oo la sheegay inay taariikhda ka bedeleen 100 Loor oo Bariis dhacay, waa sida hadalka loo dhigay.
Ganacsatadaasi oo la sheegay inay Xarun Ganacsi ku leeyihiin Deegaanmka Shimanzi ee magaalladda Mombasa ayaa la sheegay in lagu qabtay iyagoo dib taariikhda uga bedelayey Bariiska la sheegay inay taariikhdiisii dhacday.
Dhinaca kale, Boliska waxay gacanta ku dhigeen Kun Loor ee Bariiska dhacay, iyagoo sheegay in asal ahaan Loorarka Bariiska ku qornaa inuu dhacayo bisha September ee sanadkii hore ee 2017-ka, balse ay Ganacsatada u bedeleen inuu dhici doono bisha September ee saannadkan 2018-ka, waa sida ay hadalka u dhigeen.