Guddiga Ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka ayaa Maanta Magaalada Muqdisho waxa ay uga dhawaaqeen in ay joojiyeen qaadkii ay ka keeni jireen dalka Kenya, kadib markii uu circa isku shareeray khilaafka diplumaasiyadeed ee soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Kenya.
Guddiga ayaa sheegay in qaadkii ay ka keeni jireen dalka Kenya in ay u wareejiyeen dalka Itoobiya haatan wixii ka dambeeyana ganacsiga qaadka uu halkaas u wareegay,go’aanka ganacsatada ayaa aad looga war dhowrayay maalmihii la soo dhaafay.
Guddoomiyaha Ganacsatada Soomaaliyeed ee qaadka Qooje Maxamuud ayaa shaaciyay in iyaga oo la safan dowladooda ay joojiyeen qaadka ,isla markaana ay taageersan yihiin difaacidda dhulka iyo badda Soomaaliya.
Arrintaa ayaa ku soo beegmeysa iyada oo dowladda Kenya dhawaan ay la baxday Safiirkeedii joogay magalada Muqdisho halka kii Soomaaliya u joogay dalkaasna dib u soo celisay,waxaana isi soo taraya muranka xuduud badeedka ee u dhaxeeya labada dal kaas oo sii xoogeystay markii Soomaaliya Shirkadihii shidaal baarisyta ka sameeyay Soomaaliya ay shir kula yeelatay London si ay ugu soo bandhigaan baaritaanadii ay sameeyeen iyo meelaha uu ku jiro Shidaalka