Allaha u naxariistee waxaa dalka Koonfur Afrika ku geeriyooday Ganacsade  Axmed Jaliil  Xuseen oo ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi Koonfur Afrika.
Ganacsadahan ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dhawaan dab la qabad siiyay Goobtii Ganacsi oo ku taala Magaalada Darban ee dalkaasi Koonfur Afrika.
Kooxo Burcad ah ayaa Ganacsadaha horay u soo weeraray isagoo ku sugan Goobtii Ganacsi,iyaga oo intaas kadib dab qabadsiiyay waxaana Axmed Jaliil ka soo gaaray dhaawac culus oo ugu dambeyn uu u geeriyooday.
Weli dhacdadaas kama hadlin laamaha amniga dalkaasi Koonfur Afrika waxa ayna tani qeyb tahay dhibaatooyinka marwalba Soomaalida ku nool dalkaas loo geesto gaar ahaan kuwa Ganacsatada ah oo hantidooda la boobo.