Guddoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee Galmudug Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa faah faahin ka bixiyay qarax xoogan oo barqanimadii Maanta ka dhacay gudaha Magaaladaas.
Qaraxaas ayaa ahaa miino lagu dhex qariyey fuusto qashin lagu shubo oo taallay afaafka hore ee xarunta dowladda Hoose ee Gaalkacyo, isla markaana ay qaraxday miinada xili wax yar kadib markii uu halkaas galay Guddoomiye Cabdiraxmaan Sheekh.
Guddoomiyaha Gaalkacyo oo la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in qaraxaas dhacay uu ahaa miino, ayna yar yihiin waxyeelada uu geystay oo soo gaaray Askar ka tirsan Ciidanka ilaaliyada ka haayay Xarunta dowladda Hoose, uuna isaga ka badbaaday.
Sidoo kale Guddoomiye Cabdiraxmaan Sheekh ayaa sheegay in laamaha amniga ay gacanta ku dhigeen dad looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen qaraxii Maanta ka dhacay, isla markaana ay xiran yihiin, ayna ku socdaan baaritaano kala duwan.
Shacabka Magaalada Gaalkacyo ayuu Guddoomiyaha Magaalada ka dalbaday inay la shaqeeyaan laamaha amniga, wxuuuna caddeeyay in marnaba aysan aqbali doonin in falal amni darro dhacaan.
Inta la xaqiiyay 4 qof oo laba kamid ah yihiin Askar ayaa ku dhaawacmay qaraxii Maanta barqadii ka dhacay afaafka hore ee dowladda Hoose ee Gaalkacyo dhinca xiga Galmudug, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.