Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay dagaalkii xooganaa ee Maanta Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca ku dhexmaray Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo saaka bilowday.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Ahlusunna saakay ay weerar kusoo qaadeen fariisimo Ciidanka dowladda iyo Galmudug ay ku leeyihiin meel ku dhow Guriceel, ayna si adeg isaga difaaceen weerarkaas, sidoo kalena jawaan ka bixiyeen.
Waxaa uu sheegay in Ciidanka Iskaashanayay ay gacanta ku dhigeen rag dhalinyaro ah oo uu sheegay inay yihiin Arday Dugsiley ah oo lasoo dagaal geliyay, wuxuuna Carabka ku dhuftay in Ciidanka dowladda ay gebi ahaan la wareegeen Guriceel oo ay ku sugnaayeen Ahlusunna.
Wasiirka ayaa sheegay in Ciidankii Ahlusunna ay u baxeen dhinaca Miyiga Guriceel, ayna ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay tallaabada looga horimaanayo Maamulka Galmudug, isagoo dadkii ku barakay Colaada ugu baaqay inay dib ugu soo laabtan Magaalada.
Wasiir Axmed Shire Falagle ayaa Ahlusunnada heysatay muddo bil Guriceel ku tilmaamay inay yihiin dowlad-diid, isla markaana ku eedeeyay inay u hoggaansami waayen, taasina ay keentay in awood looga saaro Magaaladaas.
Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay dagaal xoogan oo saakay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca ku dhexmaray Guriceel, waxaana Galmudug ay sheegtay inay qabsadeen inta badan Magaaladaas oo weli dagaal uu ka socdo, isla markaana la maqlayo dhawaqa rasaas goos-goos ah.