Dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa laba maalin kahor waxaa uu ka dhacay deegaanka Xananbuure ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud, kaasi oo geystay Khasaaro dhaawacyo.
Dagaalkaas ayaa ka dambeeyay, kadib markii dad shacab ah oo ku sugnaa Goob maqaaxi ah oo ku taalla deegaanka Mareerguur lagu qaaday weerar loo adeegsaday rasaas, iyadoona halkaas ay ku dhinteen laba ruux, halka 6 qof kalena ay ku dhaawacmeem.
Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug  Cabdiraxman Cali Geeda-Qoroowayaa Maanta ka hadlay dagaalkaas ka dhacay Xananbuure ee dhexmaray labada maleeshiyo beeleed.
Isaga oo warbaahinta la hadlay Guddoomiye Cabdiraxman Geeda-Qoroow ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkii dhexmaray maleeshiyaadka ay ku jireen gacmo siyaasadeed iyo Al-shabaab oo aan ka marneyn dagaalkaas, waa sida uu hadalka u dhigay.
“Dagaalkii Maleeshiyo beeleedka ku dhexmaray deegaanka Xananbuure waxaa ku jira gacmo Siyaasadeed iyo Al-shabaab oo aan ka marneyn†ayuu yiri Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb.
Si kastaba deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal dhexmaray maleeshiyo beeleed hubeysan, iyadoo dagaalamada qaarkood xal laga gaaray, halka kuwo kalena la xaliyay, kadibna mar kale ay dib u bilowdeen.