Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xaqiijisay inuu geeriyooday hal qof oo kamid ahaa bukaannadii laga helay cudurka COVID-19.
Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaan geliyay 88 xaalado cusub oo COVID-19 ah, ayna bogsoodeen 17 ruux oo kamid ah dadkii horay looga helay xanuunka.
10 kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, Somaliland 29 Ruux, Puntland 2 qof iyo Galmudug 47 Qof, waxaana 71 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, waxaana dumar ah 17 xaaladood oo kale.
Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay waxey noqdeen 1,916 Qof, waxaa ka bogsooday 327 ruux, waxaana guud ahaan dalka ugu geeriyooday 73