Wasaaradda Amniga ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa tacsiyadeysay saraakiisha, askarta iyo shacabkii ku dhintay Qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo, kaasi oo u geystay qof isku soo rakibay waxyaabaha qarxa.
Bayaan ay soo saartay Wasaaradda ayaa lagu daabacay bogga rasmi ah ee ay Wasaaradda Amniga ku leedahay baraha bulshada, waxaana uu u qornaa sidan:- “Ilaahay SWT ha u naxariisto saraakiisha sare, askarta iyo dadka shacabka ah ee weerarkii ismiidaaminta ahaa ee galabtay lagu beegsaday magaalada Gaalkacyo. Inta ku dhaawacantayna ilaahay ha u booga-dhayo.
Wuxuu ahaa weerar lala beegsatay ciidamada Qalabka sida ee ku sugan Galmudug iyo dad shacb ah oo ku sugnaa Garoonka Cabullaahi Ciise.