Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan in xal loo helo xiisadda ka taagan qaadashada shillin Soomaaliga.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa Ganacsatada ka codsatay in ay kala shaqeeyaan sidii ay xal ugu heli lahaayeen diidmada Lacagta wuxuuna dhinaca kale muhiim ku tilmaamay in loo gurmado dadka abaaruhu saameeyeen.
Gaalkacyo Saaka Ganacsatada ayaa diiday guud ahaan shillin Soomaaliga iyada oo dadka Magaaladaas na  ay arintaan aad uga xumaadeen waxa ayna sameeyeen dibad bax ay ku muujinayaan walaacooda.