Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa qaatay go’aan la yaab leh kadib markii gabar Soomaali ah uu u magacaabay xubin ka tirsan golaha Wasiirada ee dalka Itoobiya.
Abiy Axmed ayaa Wasiirka Haweenka iyo Carruurta Itoobiya u  Magacaabay gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Filsan Cabdullaahi Axmed warbaahinta Itoobiya ayaana siweyn arrintaa u hadal heysa.
Filsan Cabdullaahi Axmed ayaa ah Milkiilaha Talafashinka madaxa banaan ee (Nabad TV) ee ka howlgala deegaanka Soomaalida Itoobiya,kaas oo inta badan doorka saara arrimaha bulshada.