Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxa ay sheegayaan in halkaasi Gabadhii labaad oo da’yar ah lagu la’yahay.
Waxaa la sheegay in gabadhan ay Qoyskeeda ka maqan tahay muddo Saddex maalin ah,isla markaana aan la Ogeyn halka ay Jaan iyo Cirib dhigtay gabadhaas.
Dadka ku sugan Magaalada Gaalkacyo oo aan xiriiro kala la sameeynay ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in Gabadha la la’yahay lagu magacaabo Hani Maxamed Warsame Da’ahaana ay jirto 13-sano.
Sidoo kale Ehelada gabadha maqan ayaa dadka deegaanka Magaalada Gaalkacyo ka Codsay in lala baadi goobo Gabadhooda,isla markaana haatan ay ka walwalsan yihiin halka lala aaday.
Arrintaan ayaa ku soo aadeysa,kadib markii saakay Meydka Gabar Yar oo la la’aa laga helay Xaafad ka tirsan Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, taasi oo la dilay.
Gabadha yar oo jirta 12-sano ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Allaha u Naxariistee Caaisha Ilyaas Aadan,waxaana la sheegay in la dhigay Meydkeeda Gurigooda Hortiisa,isla markaana maalmahaan ay Reerkeeda ka maqneyd oo ay baadi goobayeen.