Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad u badan shacab, waxaana uu guur ku taallo ku reebay qoysas badan.
Qaali Ibraahim oo aheyd gabar 18 jir dhawaana guursatay ayaa seeygeyda ku weeyday Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye, iyagoona is qabtay muddo ku dhow 4 bilood, isla markaana u laheyd Uur Saddex Bil ah.
Qaali ayaa wacday Telefoonka Seeygeeda markii maqashay Jugta qaraxa, waxaana xiligaas wax yar uu Seeygeyda ka baxay Guriga si uu nolol maalmeedkiisaa shaqo u soo raadiyo.
Taleefanka aad wacday lama heli karo ayaa durba loogu jawaabay taleefankii ay garaacday oo seygeeda lahaa, saacado murugo ah ka hor inta aysan xaqiiqsan geeridiisa iyada iyo sodogeed ayaa bilaabay inay Isbitaaladaa ka baadigoobaan, waxaana markii dambe ay aqoonsadeen qeybo ka mid ah jirkiisa oo gubtay.
Qaali ayaa ka aqoonsatay seygeeda qeybo ka mid ah jirkiisa oo aad u gubtay mid ka mid ah farahiisa oo nabar ay bar-garaneysay ku yaallay, waxaana sidaas ay ku xaqiiqsatay meydkiisa oo ay markii dambe soo aaseen qeybo ka mid ah jirkiisa.
Allaha u naxariistee Seyga Qaali ayaa lagu magacaabi jiray Mukhtaar Axmed, kaasi oo kamid ahaa dadka danta yar ee xoogsatada ah, waxaana uu kamid noqday dadkii ku geeriyooday Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Muqdisho.
In ka badan 80 Ruux ayaa ku geeriyootay Qaraxii Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye, halka 149 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ay ku jireen Arday Jaamacadeed.