Ciiddanka Hay’adda NISA waxay barqanimaddii maanta gacanta ku dhigeen Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaasi oo lala maaganaa in lagu weeraro Hotelka Maka Al-mukarama ee magaalladdan Muqdisho.
Ciiddanka waxay kaloo qabteen ninkii waday gaarigaasi, kaasi oo haatan lagu hayo baaritaano.
Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane oo la hadlay Wakaalladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ninka lagu qabtay gaariga miineysan uu caddeeyey inuu qorshihiisu ahaa inuu weeraro Hotelka Maka Al-mukarama.
Dhinaca kale, Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Hotelka Maka Al-mukarama xilligaasi ku sugnaayeen Siyaasiyiin, Mas’uuliyiin iyo xubno ka kala socday Ururadda Bulshadda, oo ka qeyb galayey Shir looga hadlayey Waxqabadkii Dowladda Federalka ee 4-tii sanno ee ay majaraha dalka haysay.
Wararka waxay kaloo sheegayaan in la joojiyey shirkii ay Ergooyinka ku lahaayeen Hotelka Maka Al-mukarama sababo dhinaca ammaanka.
©Radio Dalsan