Wararka naga soo garaya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Kooxo hubeysan ay Gaari ku rasaaseeyeen duleedka degmadaas taas oo khasaaro kalad duwan ay ka dhasheen.
Dhacdadaan ayaa ka dhacday  halka loo yaqaano Beerta Muuse Suudi oo ku taalla Wadada ka timaado Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe,wxana la sheegay in rasaastaas uu ku dhaawacmay Darawalkii Gaariga kaas oo Muqdisho loo soo qaadaydhaawiciisa.
Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxa ay sheegeen in Gaariagan oo ahaa nooca xamuulka qaada halka xalay lagu rasaaseeyay tiro dhowr jeer Kooxo Burcad ah ay Gawaari ku baarteen.
Sidoo kale waxaa xusid mudan in halka u falkaas ka dhacay ay aad ugu dhaw dahay degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Arrintaan ayaa dadka deegaanka waxa ay ku sheegeen in ay tahay mid waayadaan aad u soo laab laabatay isla markaana Gaarigii xalay uu ka badbaaday oo dadkii saarnaa aan la baaran.
Dhanka kale waxaana la xiriirnay maamulka degmada Balcad si aan wax uga weeydiino Gaarigaan la rasaaseeyay balse kama jawaabin taleefoonadeen