Qof gaari watay ayaa dhex galay dadweyne isugu tagay munaasabad ka socotay magaalada Volkmarsen ee dalka Jarmalka, sida ay taliska booliska sheegeen.
Ugu yaraan 10 ruux ayaa la rumeysan yahay inay ku dhaawacmeen halkaas, sida ay warbaahinta maxalliga ah tabiyeen. Afhayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in la xiray darawalkii gaari waday.
Wali lama oga ujeeddada rasmiga ah ee weerarkan.
Tiro badan oo shaqaalaha gurmadka degdegga ah ayaa lagu arkayaa goobta uu falkan ka dhacay ee magaaladaas yar, oo ku taalla gobolka Hesse ee galbeedka Jarmalka.
Wariyeyaasha maxalliga ah ayaa sheegay in gaari noociisu yahay Mercedes, oo midabkiisu qalin yahay uu jiiray dadka, saacaddu markii ay ahayd abaare 14:30, wakhtiga maxalliga ah.
Sawirro lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa muujinaya gaari noocaas ah oo ay ku hareereysan yihiin baabuurta gurmadka deg degga ah.