Wasiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan (Horumarinta Caalamiga) Rt Hon Priti Patel, oo wareysi gaar ah siiday idaacadda Dalsan, ayaa waxaa ay kaga hadashay arimaha doorashooyinka iyo abaaraha hadda ka jira dalka Soomaaliya.
Patel, oo safarkeedii ugu horeyay ku timid Mogadishu, ayaa intii ay joogtay waxaa ay la kulantay Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya, barafasoor Maxamed Osman Jawari, Xiriiriyaha Bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Peter de Clerq, hoggaanka AMISOM, hawlgalayaasha bani’aadamnimada iyo bulshada rayidka ah, si ay ugala hadasho horumarka Soomaaliya si loo helo Soomaaliya oo xasilan isla markaana wax looga qabto caqabadaha bani’aadamnimada ee hadda jira.
Wariyaheena Hassan Istiila, oo wasiirka ku wareeystay gudaha safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho, ayaa waxa ay sheegatay in Dowladda UK ay bixin doonto 10 milyan oo gini oo ah maalgelin bani’aadamnimo oo dheeraad ah si wax looga qabto baahida degdegga ah ee xaaladaha abaarta sii xumaanaya ee Soomaaliya.
Dhinaca kale Wasiirka UK u qaabilsan (Horumarinta Caalamiga) Priti Patel, waxaa ay sheegtay in taageeradaasi loo dhiibi doono iyada oo loo marayo saddex hay’adood ee Qaramada Midoobay (WFP, UNICEF, FAO) iyadoo loo isticmaali doono bixinta haqab-beelka cuntada, taageeridda nafaqada iyo adeegyada caafimaadka ee aasaasiga ah. Waxaana la filayaa in ay wax weyn ka bedesho nolosha kuwa ay abaaruhu saameeyeen.
“Waxaa kaloo ay sheegatay in abaarta soomaaliya ka jirta in ay tahay mid aad qatar u ah, waxaana loo baahanyahay in sida ugu dhaqsiyaha badan in wax looga qabtoâ€.
Mar wax laga weydiiyay haweenka kamid ah baarlamaanka cusub ee soomaaliya, ayaa waxaa ay sheegatay in ay aad u taageerayaan tirada dumarka soomaaliyeed eek amid ah Baarlamaanka Soomaaliya.
“ Barlamaanka cusub ee soomaaliya waxaa ku jira tira badan oo dhalinyaro ah siiba dumar, aad baan u taageereynaa, talaabadasi  xaqiiqdii waa wax aad u wanaagsan, tiradaasi dhalinyarada ah waxaa ay sii xaqiijineysaa hormarka soomaaliyaâ€.
Wasiirka UK u qaabilsan (Horumarinta Caalamiga) Priti Patel, oo wax laga weydiiyay 29 mudane ee ka tirsan Baarlamaanka soomaaliya ee heysta dhalashada dalka Ingiriiska, ayaa waxaa ay sheegatay in ay taasi ay tahay hormar aad u wanaagsan ayna xaqiijineyso xiriirka ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Boqortooyadda Ingiriiska.
Dowladda Ingiriiska ayaa waxaa ay tahay wadanka labaad ee ugu badan ee ay dhalashadooda heystaan xildhibaanada hadda loo doortay dalka Soomaaliya.
UK, ayaa waxaa sidoo kale ay ka mid tahay dalalka taageera ciidamada dowladda Soomaaliya, iyagoona bixiya mushaarka askar soomaaliya, mar wax laga weydiiyay arimaha ciidamadda dowlada soomaaliya ayaa waxaa ay ugu jawaabaty.
“Dalka Britain ayaa mudnaanta koowaad siinaya dhisidda Soomaaliya oo ammaan ah, xasilooni iyo barwaaqo ku nool, inkastoo horumar weyn la sameeyay hadana waxaa jira caqabado la taaban karo.
“Dalka Britain ayaa si wadajir ah beesha caalamka isagu yeeri doonta London si ay ugu heshiiyaan taageerada mustaqbalka Soomaaliya, taas oo ku jirta danaha UK.”
Rt Hon Priti Patel, ayaa waxaa loo Magacaabay Xoghayaha Britain ee arrimana Horrumarka Caalamiga, 14 bishii July ee sanadkii 2016, sidoo kalena waxaa loo doortay xubin ka tirsan Baarlamaanka dalka Ingiriiska sanadii 2010.
Petel, ka hor inta aysan soo galin siyaasadda ayaa waxaa raisul’wasaaraha dalka Ingiriiska uu u Magacaabay markii ugu horeysay taariiqda “ UK Indian Diaspora Champion†ka hor inta aysan noqon xubin ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi, waxaana sidoo kale ay kasoo shaqeysay wadamada caalamka.
Priti, ayaa ah hooyo heysta laba wiil.