Gaadiid farabadan oo nooca xamuulka qaada ayaa waxaa maalmo dhowr ah ku xaniban yihiin Kastamka deegaan lagu magacaabo Alxmadulilaah oo ka tirsan Gobalka Karkaar ee Maamulka Puntland.
Qaar kamid ah gaadiidleyda oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in shan maalmood ay ku xariyan yihiin Kastamka, isla markaana gaadiidka oo wada agaybyo kala duwan ay geli la yihiin guadaha Magaalada Qardho.
Sababta gaadiidka xamuulka qaado u xaniban yihiin ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay in weli la isku fahmi la’ yahay cabashada la xiriirta qiimo koror lagu sameeyey canshuur ay horay u bixin jireen Ganacsatada gaadiidkan u raran yihiin.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa la tilmaamay in Magaalada Qardho ee Xarunta Gobalka Karkaar ee Maamulka Puntland uusan gelin gaadiid sida adeeggyada ganacsi ee looga baahan yahay halkaas.
Ganacsatada gaadiidkan u raran yihiin qaarkood ayaa wada dadaalo kala duwan oo ay ku doonayaan in loogu sii daayo gaadiidkooda ku xaniban deegaan lagu magacaabo Alxmadulilaah oo ka tirsan Gobalka Karkaar.