Festifalka Caalamiga ee Warbaahinta “The Virgin Media Dublin International Film Festival†ayaa waxaa maalmahan lagu soo bandhigayey Caasimadda dalka Ayrland ee Dablin, iyadoo lagu maamusayey Maalinta Caalamiga ee Ka-hortaga Gudniinka FGM-ka oo Caalamka oo dhan laga xusay bishan Feberaayo 6-dii.
Filim loogu magac daray Gabar ka timid Muqdisho, ayaa waxaa bishan Feberaayo 22-dii lagu soo bandhigayo Tuulladda Odeon Point Village.
Filimkaasi waxaa qortay Ifraax Axmed oo ah gabar Soomaaliyeed oo u ololeysa Ka-hortagga Gudniinka FGM-ka,waxaana Filimka isku soo duwday Meeri Makgukayn
Filimkaasi waxaa asaas looga dhigay Qiso dhab ah oo ka sheekeynayaa gabar ka timid Somalia oo lagu sameeyey Gudniinka FGM-ka, taasi oo ka soo carartay dagaalladii sokeeye ee Somalia sannadkii 2006-dii.
Gabadha waxaa qaab Tahriibin ama Is-xambaar lagu geeyey dalka Ayrland, halkaasi oo ay naxdin ka qaaday baaritaanka Caafimaad oo ay kaga sheekeysay sida ay markii ay carruurta ahayd loogu sameeyey Gudniinka FGM-ka.
Waxyaabaha naxdinta lahaa ee ay xusuusato ayaa waxa uu ku khasbay waxa wanaagsna, iyadoo noqotay dadka Caalamka ee U-ololeeya ka-hortagga Gudniinka Fircooniga ee FGM-ka.
Si kastaba ha ahaatee,Festifalka Caalamiga ee Warbaahinta “The Virgin Media Dublin International Film Festival†oo bishan Feberaayo 20-dii ka bilowday caasimadda dalka Ayrlan, waaxa uu socon doonaa ilaa bisha soo socota ee Maarso 3-da, iyadoo lagu daawan doono in ka badan 125 Filimadda Gaagaaban iyo Dukumenteriyadda