Hadal ka soo baxay Hay’adda FBI-da ayaa lagu sheegay inay qabteen Nin taageere u ah Ururka Al-qaacida, kaasi oo qorsheynayey inuu qarax geysto berrito oo ku beegan Malainta Xorriyadda Maraykanka, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay C/raxiim Rafiiq balse horey loo oran jirey Demetrius Nathaniel Pitts ayaa la sheegay inuu doonayey inuu qarax ka geysto Munaasabadda maalinta Xorriyadda oo berri ka dhici lahayd magaalladda Kelefeland ee Gobalka Ohio, waa sida ay hadalka u dhigeen.
FBI-da waxay tilmaamtay inuu Eedeysanaha oo 48-jir ah uu u sheegay Nin dhar cad oo ka tirsan Hay’adda FBI-da inuu doonayo inuu gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa la beegsado xubno ka tirsan Milliteriga iyo Qoysaskooda inta ay socoto Munaasbadda Maalinta Qaranka Mraaykanka oo loo dabaal degi doono berrito oo Arbaco ah, kuna beegan bishan July 4-da.
Eedeyntaasi ayaa ah mid aan loo haynin wax caddaymo ah, waxayna Saraakiisha dharka cad ee FBI-da inta badan beegsadaan dadka Muslimiinta, si ay ugu soo oogaan Tuhun la xiriira waxa loogu yeero Argagixisada.
FBI-da ma soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya inuu Ninka Muslimka ee ay xireen uu qorsheynayey falka ay ku eedeeyeen.
Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in Ninkaasi iyo kuwa kale loo beegsado dadka Islaamka ee ay Haybadda Muslimnimo ee ka muuqato.