Kartooniste ama Artiste u dhashay dalka Kanada oo lagu magacaabo Michael de Adder ayaa laga joojiyey dhamaan Qandaraasyo uu ka haystay Wargeysyo ka soo baxa Gobalka New Brunswich ee dalkaasi, kadib, markii uu sawiray Sawir ku aadan Dhacdadii Trump iyo Muhaajiriintii (Aabihii iyo gabadhiisa) ee ku geeriyootay Webiga u dhexeeya Maraykanka iyo Meksiko.
Sawir-gacmeedkaasi waxa uu si ballaaran ugu baahay Warbaahinta Calaamka iyo Baraha Bulshadda, iyadoo dhacdadaasi aad looga wada xumaaday.
Sawirkaasi waxaa ka muuqday Madaxweyne Trump oo isku diyaarinaya inuu ciyaaro Ciyaarta Xeegadda ama (Golf) iyo maydadka Muhaajiriintii (Oscar Martinez Ramirez iyo gabadhiisa 2-jirka ahayd), wusuuna Artistaha ku qoray erayo la micno ah: ” Maxaa diidaya ama iga maanacaya inaan ku dul ciyaaro?
Sida laga soo xigtay Michael de Adder waxa uu tilmaamay in isaga lo ooggolaaday inuu isaga tago dhamaan Wargeysyaddii uu u shaqeyn jirey sababo la xiriiray sawir-gacmeedkii Aabaha iyo gabadhiisa ee isbuucii hore ku haftay Webiga Rio Grande, si ay dalka Meksiko ugu sii gudbaan Maraykanka.
Waxa kale oo uu tilmaamay inuusan dareemaynin sidii Dhibane oo kale, mar haddii uu door biday inuu dareen cabiro.
Guddoomiyaha Ururka Farshaxaniistayaasha dalka Kanada (President of the Association of Canadian Cartoonists), Wes Tyrell ayaa sheegay in sababta Michael de Adder looga cayriyey Wargeysyadda tahay iyadoo ay leeyihiin Shirkad maalgashi weyn ku dhex leh Maraykanka, isla markaana ay Tallaabadaasi tahay mid ay Milkiilayaashaasi kaga hortagayaan xiisad kaga timaada Madaxweyne Trump oo caan ku ah inuu naqdiyo kuwa isaga wax ka sheega ama mucaaradsan.
Guddoomiyaha Ururka Farshaxaniistayaasha dalka Kanada wax wanaagsan tahay inaad noqoto Kartooniste, laakiin waxay wax xun noqotaa haddii aad u shaqeyso Shirkad Shidaal oo Shisheeta oo xiriir Gnaacsi la leh dalka Maraykanka.