Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shir-madexeedka Midowga Afrika ee ka socda Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya kulan doceed kula qaatay Madaxweynaha dowladda Saambiya Hakainde Hichilema.
Kulanka labada Madaxweyne Farmaajo iyo  Hakainde ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga ku qotoma danaha labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Saambiya.
Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ayaa sidoo kale kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraaha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal.
Labada dhinac ayaa ka wada arrinsaday horumarinta iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqaalaha, deris wanaagga iyo horumarka iyo xaaladda guud ee Gobolka Geeska Afrika.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya waxaa uu kulamo kale la yeelan doonaa qaar kamid ah Madaxda ka qeyb galeysa Shir-madexeedka Midowga Afrika.