Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaliya Maxamed Cabdallaahi Farmaajo, ayaa kaga tacsiyeeyay shacabka iyo dawladda dalka Chad, geeridii Madaxweyne  Idriss Deby, oo u dhintay Talaadadii shalay dhaawac kasoo gaaray iska hor imaad hubeysan oo dhex maray Ciidanka dalkaas iyo kooxa hubaysan oo ka soo horjeeda.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa yiri: “Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan ugu tacsiyeynayaa hoggaanka iyo shacabka Chad, geeridii ku timid Madaxweyne Idriss Deby, oo dhintay shalay oo Talaado ahayd.â€
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in Idriss Déby, uu ahaa Hoggaamiye dowladeed oo daacad ah, uuna dhintay isagoo ilaalinaya dadkiisa iyo qarankiisa.