Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 60-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna, sidaas darteedna dowladdu ay qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan tirokoobka, xaqsiinta iyo dib u habeynta Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Milatariga.
“Ciidanka Xoogga Dalka waa Astaan Qaran oo aan u qeybsamin qolo iyo qabiil toonna, waxa ayna u taagan yihiin oo loo carbiyey difaaca haybadda Qaranimo. Wali ma joogno meeshii aan rabnay, laakiin dowladdu waxa ay dhaqaajisay qorshe mug weyn oo ku aaddan dib-u-dhiska Ciidan Soomaaliyeed oo tayo iyo tiro leh.â€
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo bandhigay guulaha isdaba joogga ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka soo hooyeen dagaalka ka dhan ah Al-shabaab iyo sida naf-hurnimada leh ee ay uga xoreeyeen degaanno badan.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku ammaanay Saraakiisha Soomaaliyeed ee ruug-caddaaga ah ee ku sugan dugsiyada Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee gudaha dalka, si ay aqoontooda iyo khibraddooda u dhaxal siiyaan jiilasha sookacaya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle u baryey dhammaan halyeeyadii Ciidanka Xoogga Dalka ee naftooda u huray amniga, nabadda, Qarannimada iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.