Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Yaboohaasi Booqashadda ka jeediyey mar uu dhigiisa dalkaasi, Rajab Dayib Erdogan kula kulmay magaalladda Ankara.
Wakaalladda Wararka u faafisa Turkiga ee Anatolia News Agency ayaa shaacisay inuu Madaxweyne Farmaajo ku caasuumay Madaxweyne Erdogan inuu booqasho ku yimaado Somalia sida ugu suurto-galka badan,
Wakaalladda faahfaahin dheeraad ah kama bixinin inuu Madaxweyne Erdogan oggolaaday inuu soo booqdo Somalia ama xilliga ay dhici doonto booqashadiisa.
Madaxweyne Erdogan waxa uu horey Somalia u soo booqday snnadihii 2011-kii, 2015-kii iyo 2016-kii, isagoo la kulmay Madaxweynayaashii hore, Sheekh Shariif Sheekh xmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhinaca kale, Madaxweyne Erdogan waxa uu shaaca ka qaaday inay Somalia bisha Ramadaan u soo diri doonaan Markab wada 15,000 oo Tan oo Cunto iyo Gargaaro Daawo ah.
Bisha Ramadaan ayaa curan doonta bisha soo socota ee May 27-da ama dhamaadka bisha Shacbaan ee sannadkan 1438-da ee Hijriyadda.
Xigasho: AA
©Radio Dalsan