Rag hubeysan oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa Caawa weerar ku qaaday fariisin Ciidamada dowladda ku leeyihiin Xaafada Suuqa Xoolaha.
Fiidnimadii Caawa ayaa Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Farisinka ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Warshadii hore ee Bruunka oo ku taalla Xaafada Suuqa Xoolaha ee D/Hurwaa la weeraray.
Lama oga khasaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas,waxana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo labada dhinac ee Al-Shabaab iyo Ciidanka dowladda dhexmaray.
Maamulka degmada Hurwaa wax faah afahin ah kama bixin dagaalkaas,waxaana dhowr mar sidaan oo kale loo weeraray farrisinkaas ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda.