Dowladda Faransiiska waxay shalay sheegtay inay Ciiddanka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ku wareejiyeen in ka badan 1,400 oo qoryaha AK 47 iyo 3 Gaadiidka Berri-biyoodka ah.
Haweeneyda Wasiirka Difaaca ka ah dalka Faransiiska. Florence Parly waxay shalay hubkaasi ku wareejisay Munaasabad ka dhacday Saldhigga Milliteri ee M’Polo military base oo ku yaalla Caasimadda dalka Afrikada Dhexe ee Bangui.
Wakaaklladda Wararka Faransiiska ee AFP ayaa qortay inay Saraakiisha Faransiiska hubkaasi ku taageereen dowladda Afrikadda Dhexe si ay kula dagaalamaaan Kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama dalkaasi Afrikadda Dhexe.
Saraakiisha Faransiiska waxay sheegeen in ay Qoryahaasi tiradoodu dhan tahay 1,400 AK 47Â ay sannadkii 2016-kii ku qabteen Dooni hub u soo watay Somalia.
Ciiddanka Faransiiska waxay kaloo sheegeen inay doonidaasi ka qabteen meel ka baxsan Xeebaha Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, ma cadda sababaha rasmiga ee ay Milliteriga Faransiiska hubkaasi ugu wareejiyeen Jamhuuriyadda Afrika Dhexe, xilli uu dalkaasi saaran yahay cunqabatayntii hubka ee ay Golaha Ammaanka ee QM sannadkii 2013-kii.